|

Soomaaliya oo Sucuudiga weydiisatay maalgashi

Riyaad July 29, 2024(QJ)-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhanka horumarinta kalluumeysiga, iyo sidii Sacuudiga uu maalgashi hufan ugu sameyn lahaa dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka kalluumeysiga.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in uu jiro dadaal xoogan oo lagu doonayo in lagu helo maalgashi caalami ah oo ka qayb qaadan kara kordhinta dakhliga iyo wax soo saarka gudaha, ugu danbayntiina u horseeda Soomaaliya in ay gaadho isku filnaan dhaqaale oo waara.

Comments are closed