|

Soomaaliya oo sheegtay in heshiiskii Ankara aan lagu soo qaadin Hawlgalka AUSSOM

Muqdisho (QJ) Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in qorshaha ciidamada AUSSOM uusan qeyb ka ahayn wadahadalladii ka dhacay magaalada Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii ahaan doonto awoodda ugu sareysa ee lagu soo xuli doono dalalka ay ciidamada ka joogaan howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday in Baaqii Ankara uu dib u xaqiijiyay madax banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo caddeeyay in dalku uu sii wadi doono horumarka laga gaarayo iskaashiga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay doonaysaa in ciidamadeeda ay sii wadaan ka qayb-qaadashada howlgallada nabad-ilaalinta ah ee Soomaaliya, ayna ku biiraan howlgalka cusub ee la qorsheynayo inuu billaabo sannadka soo socda, iyagoo bedelaya ATMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Ankara ayaa qiray in ciidamada Itoobiya ay u hureen xasiloonida Soomaaliya. Horay ayuu madaxweynuhu ugu eedeeyay ciidamada Itoobiya inay ku xad-gudbeen madax-banaanida Soomaaliya ee dalka gudihiisa.

Comments are closed