|

Soomaaliya oo sheegtay in aaney Bad siineyn Itoobiya

Muqdisho (QJ) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa sheegay in miiska wada xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya aan marnaba lagu soo darin in Itoobiya ay hesho marin iyo deked. Waxa uu ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay ka warqabto kaliya in laga wada hadlo in Itoobiya ay u isticmaasho dekedaha Soomaaliya arrimo ganacsi.

Cali Balcad ayaa ku micneeyay in wada xaajoodka kaliya uu yahay in Itoobiya loo ogolaado in ay ganacsi u isticmaasho dekedaha Soomaaliya, iyadoo maalgashi lagu sameynayo dekedaha Soomaaliya iyo waddooyinka isku xira labada dal.

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu ku gacan-saydhay damaca Itoobiya ee ah inay gacanta ku dhigto marin-badeed ay dawladdeedu maamusho oo uu ku tilmaamay mid aan xaqiiqo ahayn.

Qodobka ugu horreeya ee la isku hayo ayaa salka ku haya heshiiska ay Itoobiya dhawaan la gashay Somaliland, kaasoo ay ku jiraan marin badeed iyo saldhig ciidan. Heshiiskan ayaa markii hore waxaa diiday dowladda Soomaaliya, balse markii dambe waxaa dhexdhexaadiyay Turkiga, taasoo keentay in Soomaaliya ay shuruud ku aqbasho in Itoobiya isticmaasho marin badeed, iyadoo aan lagu jirin wax ciidan ah.

Hadalkan ka soo yeeray wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa ku soo beegmaya saacado un kadib booqashadii uu Muqdisho ku yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Comments are closed