|

Soomaaliya oo sheegatay dilka 30 dagaalame oo alShabaab ah

Muqdisho. 17 September, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegatay in ay dishay 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda alShabaab ee ka dagaalanta gudaha dalkaas, iyadoo tiradan cusub lagu dilay gudaha gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA, ayaa ku warameysa in ciidamada xoogga dalku ay habeenkii Jimcaha kula dagaalameen deegaan ku dhow dhanka Aboorey Al Shabaab, oo qiyaastii 25-KM bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Inta uu socday weerarku, waxa ku dhaawacmay shan askari.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee taageerada u fidinaya ee caalamiga ah, ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ka dhanka ah kooxaha Jihaad Doonka ah, ee ka dagaalama gobollada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa ku dadaaleysa sidii ay ula wareegi laheyd magaalooyinka, ay gacanta ku hayaan kooxaha xidhiidhka la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Soomaaliya.

Comments are closed