|

Soomaaliya oo QM ka dacweysay ciidamo Itoobiyaan ah oo dalka soo galay

NY June 25, 2024(QJ)-Dowland Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ku saabsan ciidamo Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah ku soo galay Soomaaliya, iyagoo ka soo tallaabay xuduudda ay wadaagaan.

Kulanka oo looga hadlayay ammaanka Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo wakiilo ka socday Midowga Afrika ayuu danjiraha Soomaaliya Abuukar Cismaan Baalle ku eedeeyay ciidamada dowladda Itoobiya in ay si sharci darro ah uga soo gudbeen xuduudka.

Danjire Abuukar Baalle ayaa kulanka ka sheegay in ciidamadan ay si sharci darro ah kusoo galeen Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in ciidamada Itoobiya ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ka baxa Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha bixitaanka ATMIS.

Xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay maamulka Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qorshaha Itoobiya ay bada ku dooneyso taas oo horseeday khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya labada dal.

Comments are closed