|

Soomaaliya oo markii afaad sanadkan eedeysay Itoobiya

Muqdisho (QJ) – Wuxuu Dowladda Soomaaliya si kulul u cambaareynayaa ugana soo horjeedaa xadgudubyada ay Dowladda Itoobiya ka geysaneyso gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo khalkhal gelinaya ammaanka iyo xasiloonida dalka. Falalkan ayaa ah kuwo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxayna soo socdeen tan iyo markii ay Itoobiya isku dayday dhul balaarsi horraantii sanadkan.

Ka dib markii dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay ka soo horjeesteen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxay si joogto ah u qaadaysay tallaabooyin ay ku wiiqayso ammaanka Soomaaliya. Waxaa ka mid ah in si sharci darro ah dalka loo soo geliyo hub iyo diyaarinta maleeshiyaad Soomaali ah oo ku sugan gudaha Itoobiya, kuwaasi oo markaas u soo gala Soomaaliya si ay colaado uga hurinayaan.

Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay hub sharci darro ah ku soo gelisay deegaano ka tirsan Puntland iyo Galmudug, waxaana deegaanadeeda ay ka aruursatay maleeshiyaad ka soo jeeda Hirshabeelle. Shalay ayaa la sheegay in labo diyaaradood oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ay ka degeen magaalada Kismaayo iyagoo sitay hub sharci darro ah. Diyaaradahan ayaa sidoo kale daabulay shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar kale oo la aaminsan yahay in ay ku lug leeyihiin shirqoolo ka dhan ah qaranimada iyo shacabka Soomaaliyeed. Itoobiya ayaa doonaysa in maleeshiyaadkan ay u adeegsato sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd gobolka Gedo.

Falalkan waxay si cad u muujinayaan cadawtinimada ay Itoobiya u qabto Soomaaliya, iyadoo ujeeddadeedu tahay inay khalkhal geliso midnimada dalka, dhul balaarsi, iyo inay soo ceshato maleeshiyaatka iyo dabadhilifyada si ay ugu marmarsiiyoodaan qabsashada qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo khalkhal gelinta amnigeeda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Hab-dhaqanka taxaddar la’aanta ah ee Itoobiya ayaa u muuqda inuu taageero kooxaha argagixisada, taasoo ka hor imanaysa mabaadii’da ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS oo ay Itoobiya qayb ka tahay. Arintan ayaa meesha ka saaraysa wadahadaladii u socday labada dowladood, waxaana laga yaabaa in xiisad cusub ay ka dhalato.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga digaysa dadka dalkooda u gacan geliya cadawga kana qeyb galaya shirqoolada ka dhanka ah Qaranimada Soomaaliya in ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo sharcigana la horkeeni doono. Waxay sidoo kale uga digaysaa dowladda Itoobiya inay joojiso falalka xun xun ee ay ku kacayso, iyadoo caddeysay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay madax-bannaanideeda ka difaacdo cid kasta oo ku soo xadgudubta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay weli ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha ku dhisan is ixtiraam balse uma dulqaadan doono wax kasta oo wax u dhimaya qaranimadeeda, midnimadeeda, amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Comments are closed