|

Soomaaliya oo lacag ka heshay Sacuudiga maalin kaddib markii ay Xidhiidhka u jartay Iiran

Muqdisho 18.Jan 2016 (SDN/QJ): –Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaal marin uga heshay Boqortoyada Sacuudiga Carabiya lacag gaareysa konton milyan oo dollar maalintii ay ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyada u jartay dowlada Iran.

Xasan Sheekh Iyo Boqorka SucuudigaWakaalada  Wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay heshay dukumeenti cadeynaya  lacagta la siiyay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka maaliyada ee xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Aden Ibraahim ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo lacagtan loogu yaboohay dowladda Soomaaliya, balse wuxuu  sheegay in gargaarka maaliyadeed ay boqortoyada Sacuudiga Carabiya siiso Soomaaliya  uusan wax xiriir ah la lahayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee dalka Iiraan, sidaana waxaa qortay wakaalada Reuters.

Wasaarada arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya kama aysan  hadlin, warkan la xiriira deeqda abaalmarinta lacageed ah.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dukumenti ay u dirtay safaarada Sacuudi Carabiya ee magaalada Nairobi,  Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxaa ka muuqday qoraal ah in Sacuudiga uu $20 million oo doolar uu ku taageerayo miisaaniyada Soomaaliya halka $30 million oo doolar uu ku bixinayo maalgelinta dalka Soomaaliya.

Qarashka ayaa waxaa bixinaya sanduuqa dalka Sacuudi Carabiya u qaabilsan horumarinta sida qoraalku uu cadeynayo, kaasoo  taariiqdiisu ahayd  7-dii bishan Janaayo ee sanadkan 2016-ka oo ahayd  isla maalintii ay dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Iran.

Dowladda Soomaaliya ayaa u jartay xiriirka diblomaasiyadeed dowladda Iiraan, iyadoo ku eedeysay Iiraan inay faro gelin ku sameysay ammaanka qaranka, waxaana loo qabtay muddo 72 saacadood ah, in  diblumaasiyiinta Iiraan ay uga baxaan magaalada Muqdisho.

Comments are closed