|

Soomaaliya oo kor kala soconaysa doorashooyinka Somaliland

Muqdisho November 09, 2024(QJ)-War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashada hal qof iyo cod ee dhawaan ka dhici doonta Somaliland, taasoo loo arko inay tahay mid xasaasi ah.

Wasaaraddu waxa kale oo ay intaa ku dartay, “Waxaanu rajaynaynaa inay doorashadu ku dhamaato si nabad ah, kana qayb qaadato xasiloonida iyo dimuqraadiyadda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland ka dhici doonto doorashada madaxtinimo ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka bishan November, waxaana hadda socda ololaha doorashada oo u dhexeeya saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, Wadani iyo UCID. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay taageersan tahay hannaanka doorashada Somaliland ee la filayo inay 13-ka bishan November ka qabsoonto deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socon doonto doorashada, iyadoo guul u rajeysay shacabka iyo hoggaanka Somaliland.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aqoonsan doorka muhiimka ah ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoojinta hannaanka doorasho ee Soomaaliya, waxay si dhow ula socon doontaa doorashada soo socota ee gobollada waqooyi ee Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadalkan ayaa daba socda mid uu horay u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay doorashada soo socota ee Somaliland, isagoo qiray inaysan ahayn doorashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ka dhacda gobolka.

“Waxaan u hambalyeynayaa shacabka Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taasoo aan ahayn markii ugu horreysay iyo tii labaad toona,” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu rajaynaynaa in doorashadu ku dhamaato si nabad ah, isla markaana ay ka qayb qaadan doonto xasiloonida iyo dimuqraadiyada.

Comments are closed