|

Soomaaliya oo ka walaacsan xaalada Gaza

NY (QJ) – Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC)  waxay xalay ka qaybgashay shirkii ugu horreeyay ee golaha iyadoo ka mid ah 15-ka xubnood ee aan joogtada ahayn.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahay ergayga joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Cismaan Baalle ayaa ka qeyb galay kulanka, waxaana uu halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Danjire Baalle ayaa soo bandhigay mawqifka Soomaaliya ee qadiyadda Falastiin iyo xadgudubyada ay Israa’iil u geysato dadka rayidka ah. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan dhulka Falastiin ee ay haysato Israel.

“Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda ka sii daraysa ee Gaza iyo dhibaatada joogtada ah ee ay ku hayaan shacabka reer Falastiin colaadda daba dheeraatay ee ay hormuudka ka tahay Israa’iil iyo xulafadeeda. gargaar si loo gaarsiiyo dadka rayidka ah ee dhibaatadu soo gaartay,” ayuu yiri danjire Baalle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay, “Dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, waxaa soo wajahday xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin cunto yari iyo nafaqo darro.

Iyadoo xubin ka ah UNSC, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga filayaa inay diiradda saarto horumarinta nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka inta ay shaqeyneyso.

Leave a Reply