Soomaaliya oo ka mid noqotay Gollaha Amaanka ee QM
NY (QJ) – Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaco ahayd si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 54 sano kaddib, iyadoo horay loogu doortay kursi aan joogto ahayn sannadaha 2025-2026.
Soomaaliya ayaa hadda ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, gaar ahaan waxa ay ka mid tahay 10-ka xubnood ee aan joogtada ahayn. Waxay u matali doontaa Bariga Afrika muddo laba sano ah oo ka bilaabmaysa 1-da Janaayo ee sanadkan.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, H.E. Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle), ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka go’an tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.
Soomaaliya ayaa xilkan loo doortay bishii June ee sanadkii hore ee 2024. Soomaaliya waxaa ku wehlinaya dalalka kale ee shalay ku biiray golaha ammaanka, waxaana ka mid ah Pakistan, Panama, Denmark, iyo Greece.