|

Soomaaliya oo ka carotay ka qeybgelidii madaxweyne Cirro ee shirkii Dawladaha Caalamka

Muqdisho (QJ) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ka qaadi doonto dowladda Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Cirro uu ka qeyb galay shirka dowladaha adduunka ee ka dhacay magaalada Dubai.

“Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaana raadineynaa wada hadal lagu xalin karo arrinta” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo mar kale ku celiyay mowqifka Muqdisho ee ah in Somaliland ay ka sii mid tahay Soomaaliya.

Madaxweyne Cirro ayaa horraantii bishan lagu soo casuumay madal caan ah oo uu ka qayb galay shirkii dawladaha adduunka ee ka dhacay magaalada Dubai, kaas oo uu beesha caalamka ugu baaqay inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-bannaan.

Ugu horrayn, Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay booqashadan, iyadoo barbar dhigtay safarro ay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ku tageen Imaaraadka. Wasiir Fiqi ayaa tusaale u soo qaatay booqashadii uu dhawaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku tagay dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda Fiqi ayaa hadda si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan iska indha tiri doonin waxa ay u aragto in lagu faragelinayo madax-banaanideeda.

“Soomaaliya uma dulqaadan doonto faragelinta,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay qaadayso tillaabooyin wax looga qabanayo xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka. Wasiir Fiqi ma uusan carabaabin tallaabooyinka ay dowladdu doonayso inay qaaddo.

Comments are closed