|

Soomaaliya oo Itoobiya ka saaratay dalalka ciidamada u soo diraya

Muqdisho November 09, 2024(QJ)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta u xaqiijisay in Itoobiya laga saaray liiska dalalka ka qeyb galaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo Soomaaliya ka billaabanaya horraanta sanadka 2025-ka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in Itoobiya si rasmi ah looga reebay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 2025-ka, Wasiirka ayaa caddeeyay in Itoobiya ay ku xadgudubtay madax banaanida Soomaaliya, taasina ay keentay in Itoobiya ay ka mid noqoto ciidamada Africa. Wasiir C/qaadir ayaa sidoo kale xusay in dhawaan lagu dhawaaqi doono liiska wadamada ka qeyb galaya howlgalka cusub.

Hawlgalkan cusub ee Midowga Afrika ayaa noqon doona mid xaddidan, isagoo taageero farsamo siin doona Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan kooxaha xagjirka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in bisha December ay soo gaba gabeyso howlgalka ATMIS-ka, waxaana ciidamada xoogga dalka ay la wareegi doonaan goobihii ay horay uga howlgali jireen ciidamada ATMIS-ka.

Comments are closed