|

Soomaaliya oo eedeysay Duplamasiyiin Booqday Hargeysa

Muqdisho November 17, 2024(QJ) -Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Diblumaasiyiinta Shisheeye inay ku xad-gudbeen Qaranimada iyo Midnimada dalka.

Xildhibaan Fiqi oo hadal ka jeediyay xaflad ay ku qalin jabinayeen dublamaasiyiin oo lagu qabtay xarunta wasaaradda, waxa uu dhaliilay safiirradii goob-joogga ka ahaa doorashadii ka dhacday magaalada Hargeysa ee Somaliland 13-kii November 2024-ka, isagoo sheegay in waxqabadkoodu uu dhaafiyay waajibaadkooda dublamaasiyadeed.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan u yeerno mid ka mid ah safiirradan sida badheedhka ah u xaqiray qaranimada qarankeenna,” ayuu yiri Fiqi oo aan magacaabin dublamaasigaasi iyo waddankooda. Waxa uu xaqiijiyay in Wasaaradu ay codsatay in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya si ay uga wadahadlaan.

Fiqi waxa uu ku nuux-nuux saday in Diblumaasiyiinta looga fadhiyo inay ixtiraamaan midnimada dhuleed ee dalka, isla markaana ay Somaliland u aqoonsadaan inay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan uga digaynaa dhammaan dublamaasiyiinta in hadallada mustaqbalka ee khuseeya Somaliland ay si cad u sheegaan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, haddii ay taasi dhici waydana waxay keenaysaa tallaabooyin ku habboon,” ayuu raaciyay.

Hadalka wasiirka ayaa daba socda safar ay dhowr dublamaasiyiin ah ku tageen magaalada Hargeysa si ay ugu kuurgalaan doorashada Somaliland.

Comments are closed