|

Soomaaliya oo deked siineysa Itoobiya

Ankara July 01, 2024 (QJ)-Wargeyska Middle East Eye oo ka warramayay dedaallada dhex dhexaadinta Turkiga ee la filayo in ay Soomaaliya iyo Itoobiya isku soo dhaweeyaan, ayaa daaha ka qaaday in Turkigu suurtogal yahay in uu Soomaaliya ka caawiyo sidii ay Itoobiya u heli lahayd deked, taas oo keeni karta in ay caqabad ku noqoto heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in hindisaha dhex dhexaadinta uu ka dhashay markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu u diray Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome Wirtu inuu la kulmo Madaxweyne Erdogan bishii May, isagoo ka codsaday inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in haddii horumar laga gaaro dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ay suurtagal tahay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay booqasho ku tagaan Ankara. Si kastaba ha ahaatee, haddii wadahadallada ay burburaan, warbixintu waxay ka digtay in “Saameynta Turkiga ee gobolka laga yaabo inay hoos u dhacdo, iyo in xiriirka muhiimka ah ee Ankara iyo Itoobiya uu dhaawacmi karo.”

Leave a Reply