Soomaaliya oo codsi xubinimo ah u gudbisay urur goboleedka EAC
Nairobi Mar 08,2012(SDN)-DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa dalab codsi xubinimo u gudbisay urur goboleedka EAC ee ay ku bahoobeen dalalka geeska Africa,sidaa waxa saxaafada u sheegay madaxweynaha dalka Kenya Moi Kibaki oo haatan ah madaxa ururkaasi.
Urur goboleedkan oo ah mid dhaqaalaha dalalka geeska Africa khuseeya ayaa waxa dalabkiisa dawlada KMG ahi gaadhsiisay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Watangula.
Ergeyga gaadhka ah ee madaxweyne Sheekh Shariif Cabdixakiim Cali Yasin ayaa wasiirka dalabkan u gudbiyay dhawaan.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dalabka Soomaalida uu u gudbin doono xubnha ururkan ku bahoobay si looga qaato goaan wada jir ah.
Dawlada Sudan ayaa sidoo kale soo dalbatay in ay xubin iyana ka noqoto urur goboleedka EAC,balse uma suurto gelin ka mid noqoshada ururkaasi.
Ururku waxa haatan uu ka fiirsanayaa dalab uga yimi dalka Konfurta Sudan oo ah dalkii u danbeeyay ee ku soo biira qaarada Africa.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com