|

Soomaaliya oo abaar gashay iyo gurmad la dalbaday

Muqdisho (QJ) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Mucalin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda SDM ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad abaareed oo aad u daran, una baahan gurmad deg-deg ah oo joogto ah, kaddib markii la waayay xilli roobaadkii Deyrta ee la filayay. Sebtembar, Oktoobar, iyo Noofambar.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bini’aadinimo iyo taageero degdeg ah, iyadoo 3.2 milyan oo ka mid ah dadkan nugul ay soo food saartay xaalad adag. Ku dhawaad ​​200,000 oo qof ayaa abaarta darteed uga barakacay guryahoodii iyagoo nolol raadis ah, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay ku le’deen.

Si looga jawaabo saameynta baaxadda leh ee abaartan, SoDMA waxay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof saddexdii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo weli u baahan gargaar bini’aadantinimo oo joogto ah. Si wax looga qabto abaaraha saameeyay in ka badan 13 ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, waxaa loo baahan yahay $1.45 bilyan.

Guddoomiye Mahamud Mualin Cabdulle ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax haysta, iyo deeq bixiyayaasha in ay si wada jir ah ugu ololeeyaan gurmadka iyo in laga hortago in abaartu ay sii kororto. Waxa kale oo uu u mahad-naqay dawladihii iyo deeq-bixiyayaasha taageeradooda u muujiyey.

Leave a Reply