Soomaaliya oo aan weli goaamin dalalka ka qeybgelaya AUSSOM
Muqdisho (QJ) – Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh, Xuseen Macallin, ayaa sheegay inaan go’aan rasmi ah laga gaarin dalalka ku biiraya howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay in ay go’aan ka gaarto dalalka ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, kaasi oo bilaaban doona dhamaadka sanadkan.
“Dowladda Soomaaliya waxay awood u leedahay inay go’aan ka gaarto dalalka ka qayb-galaya howlgalka AUSSOM…Go’aanka waxaa lagu dhawaaqi doonaa dhawaan, iyadoo la waafajinayo arrimaha mudnaanta u leh Qarankeenna – Ruuxa ku dhawaaqista Ankara waa mid xooggan oo weli nool,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si rasmi ah u ansixiyay howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona howlgalkii hore ee ATMIS-ka.
Qaraarkan oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxaa ansixiyay 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, iyadoo Mareykanka uu ka aamusay codeynta sababo la xiriira dhaqaalaha.