|

Soomaaliya o odalbatay sii joogida ATMIS

Muqdisho June 20, 2024(QJ)-Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in waqtiga loo kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo sabab uga dhigaysa xaaladda ammaan ee dalka oo daciif ah, sida lagu sheegay dukumentiyo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba ha ahaatee, Warqad ay Dowladda Somalia u dirtay Guddoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa Somalia waxay ku codsatay in dib loo dhigo bixiitaanka 4,000 oo Askari illaa bisha September halka hore loo qorsheeyay in ay baxaan dhammaadka bishan June.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in ay wax laga bedelo guud ahaan waqtiga ciidamada la saarayo, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo xoojinta tayada ciidamada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS) ayaa qorsheynaya inay ka baxaan Somalia 31-ka bishan December, iyadoo la qorsheynayo in lagu beddelo Ciiddamo cusub oo tiro yar.

Midowga Yurub iyo Mareykanka oo ah kuwa ugu badan ee dhaqaalaha siiya ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka fiirsanaya joojinta howlgalka nabad ilaalinta sababo la xiriira walaaca laga qabo maalgelinta daba dheeraatay iyo sii jirista howlgalka, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed iyo sarkaal sare oo ka tirsan Uganda.

Comments are closed