|

“Soomaaliya ma samayn karto, xaq sharci iyo awood ay ku maamusho biyaha iyo xuduudaha maamul ee badda Jamhuuriyadda Somaliland ma laha” Wasiirka Arrimaha Dibada

Hargaysa 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhsiisay beesha caalamka go’aan adag oo ay ka soo saartay qorshe dawladda taagta daran ee Muqdisho ku diiwaangashatay xuduudaha badda oo ku darsatay biyaha Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Muqdisho Mr. Xasan Sheekh ayaa warqad uu u diray Qarammada Midoobay dabayaaqadii bishii July ee dhammaatay ku sheegtay xuduudaha badda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.

Haseyeeshee, dawladda Somaliland oo arrintaasi aad uga cadhootay ayaa beesha caalamka gaadhsiisay go’aankeeda ku wajahan tallaabada maamulka Muqdisho qaaday oo ay ku tilmaantay sharci-darro ka hor-imanaysa qawaaniinta caalamiga ah, horumarka iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika.

“Dawladda Somaliland waxay si xoog ah u diiddan tahay, ugana soo horjeeddaa, isla markaana aanay aqoonsan doonin dhawaaqa dawladda Soomaaliya ku sheegatay xuduudaha biyaha, xuduudaha maamul iyo guud ahaan badda Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland u qortay Qarammada Midoobay 23-kii bishii July, loona kala diray dawladaha waddamada jaarka iyo dawlado kale oo ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga, kaas oo wargeyska Jamhuuriya u turjumay luuqada Af-soomaaliga.

Waxa kaloo dawladdu  sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland diyaar u tahay inay taageerto guud ahaan dedaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta iyo kor-u-qaadidda horumarka dhaqaale ee Gobolka Geeska Afrika, ‘balse’ buu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu,

“Wadashaqaynta iyo ka qayb qaadashada Somaliland ee dedaalladaasi horumarineed waxay mar walba ku qotomaan in Somaliland u madaxbannaan tahay qarannimadeeda iyo in lagu ixtiraamo xuquuqda biyaheeda iyo xuduudaha baddeeda sida uu qabo xeerka caalamiga ah.”

“Soomaaliya ma samayn karto, xaq sharci iyo awood ay ku maamusho biyaha iyo xuduudaha maamul ee badda Jamhuuriyadda Somaliland ma laha.

Go’aanka ay kelida ku tahay Soomaaliya ee ku sheegatay xuduudaha badeed ma aha uun sharci-jebin Muqdisho samaysay, laakiin waxay iska indho-tiraysaa qawaaniinta caalamiga ah. Waxaannu ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliya inay ku dhaqmaan waxaannu ku heshiinnay oo ay dib ugu soo noqdaan miiska wadahadalka ka dhexeeya Somaliland,” ayuu Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ku yidhi qoraalkiisa.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed