|

Soomaaliya lama keenayo ciidamo Masaari ah

Muqdisho July 26, 2024(QJ) -La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud oo VOA-da la hadlay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in Soomaaliya loo soo daad-gureeyo ciidamo ka socda dalalka Turkiga iyo Masar iyo hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq.
Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamo ka socda dalka Turkiga la filayo in dhawaan ay soo gaaraan Soomaaliya, waxaana imaatinkooda uu qeyb ka yahay heshiis dhanka difaaca ah oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in dowladda Masar ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya. “Ma jirto wax qorshe ah oo Masar ay ciidamadeeda noogu soo diri karto, xukuumadda Qaahira waxa ay ka qeyb qaadaneysaa oo kaliya dadaallada lagu caawinayo ciidamada Soomaaliya in ay cagahooda isku taagaan,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Ugu dambeyn, La-taliyaha Amniga Qaranka oo wax laga weydiiyay hubkii dhawaan lagu dhacay Caabudwaaq, cidda lahayd iyo waxay Dowladda Federaalka ka ogtahay dhacdadaas, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Waxa uu xusay in baaristu ay socoto, isla markaana uusan dooneyn inuu ka hor dhaco natiijada baaritaanka socda.

Comments are closed