|

Soomaaliya iyo Shiinaha oo heshiis hor leh gaaray

Beijing September 07, 2024(QJ) -Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in sare loo qaadayo xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya oo laga gaarsiinayo iskaashi istiraatiiji ah kadib kulankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay magaalada Beijing si uu uga qeyb galo shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Xi ayaa ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha, isagoo xusay in saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya uu soo maray heerar kala duwan.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa sidoo kale muujiyay taageerada Shiinaha ay u fidiso Soomaaliya si ay u ilaaliso madax banaanideeda iyo madaxbanaanideeda dhuleed, iyo sidoo kale geedi socodka nabadda iyo horumarka. Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in labada dhinac ay si adag isaga taageeraan arrimaha khuseeya danahooda aasaasiga ah iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga rasmiga ah ee Facebook-ga ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay arrimo dhowr ah oo ay ka wada hadleen labada mas’uul.

Leave a Reply