|

Soomaaliya iyo QM oo ka shiray mashaariicda horumarka

Muqdisho July 03, 2024(QJ)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee Hoggaaminta Horumarka Waara ee Soomaaliya (2021-2025).

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadantinimo. George Conway. Waxaa diiradda lagu saaray wada-hadallada istiraatijiyadeed iyo in la waafajiyo taageerada Qaramada Midoobay iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Natiijooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ahaa soo bandhigida iyo ansixinta Warbixinta Natiijooyinka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee 2023 iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee 2024. Waxay dib u eegis ku sameeyeen waxyaabihii u qabsoomay 2023 waxayna soo bandhigeen qorshaha istiraatijiyadeed ee sanadka soo socda.

Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (2021-2025) wuxuu u adeegaa sidii qorshaha istaraatiijiyadeed ee haga taageerada wadajirka ah ee hay’adaha Qaramada Midoobay si loo gaaro Ajendaha 2030 ee Horumarka Joogtada ah iyo Yoolalka Horumarin Waara (SDGs) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply