Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadalo farsamo ku yeeshay Turkiga
Ankara (QJ)- Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wejigii ugu horreeyay ee wada-hadallo farsamo kaddib baaqii Ankara, iyaga oo ujeedkoodu ahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo nabadda gobolka.
Wadahadalladan ayaa Salaasadii shalay ka dhacay magaalada Ankara, iyadoo uu martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan. Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, wada-hadallada ayaa lagu saleeyay Baaqii Ankara, ee la saxiixay December 11, 2024, oo uu dhexdhexaadinayey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Heshiiskan ayaa waxaa labada dal u kala saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo heshiiskan looga gol leeyahay in lagu dhiso mustaqbal xasiloon oo barwaaqo ah oo ay yeeshaan labada dal.
War-murtiyeedka ayaa lagu nuux-nuux saday in labada wafdi ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobbada heshiiska iyo xoojinta iskaashiga waara. Turkigu wuxuu ku celceliyay inuu taageerayo geeddi-socodka, isagoo fududeeyay doodo dheeraad ah.
Wareegga xiga ee wadahadallada farsamada ayaa loo qorsheeyay Maarso 2025. Baaqa Ankara ayaa la filayaa inuu kor u qaado iskaashiga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo Turkigu uu door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayo.