|

“Soomaaliya Ha Noolaato, Xisbiga Kulmiye Ha Guulaysto…” Wasiirka Macdanta Somaliland DAAWO

Burco 27. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa isu-soobixii ololaha Maalinta labaad ee Xisbiga Kulmiye u lahaa Khayriyada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaga khudbadeeyey, weedho ay ka mid ahaayeen; “Soomaaliya ha noolaato, Xisbiga Kulmiye ha guulaysto”.

Waxaa xusid mudan Fagaaraha Khayriyada ee magaalada Burco oo ay Taageerayaasha Kulmiye isugu soo baxeen Arbacadii , in uu Khudbad kulul ka jeediyey Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, taas oo uu ku wareeray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Musharrixiisa Madaxweyne Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaas oo uu ku eedeeyey Soomaaliweyn iyo inaan Somaliland lagu aammini karin, sida uu ku doodayey Muuse.

Hase-yeeshee, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Musharrax Muuse Biixi la socday, ayaa isla madasha uu Muuse Khudbaddaa ka dhanka ahayd Xisbiga Waddani ka jeediyey, isaguna ka jeediyey Khudbad ay hadallada kor ku xusani ka mid ahaayeen, waxaanannu Hadalka Wasiirka Macdanta idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed