SOOMAALIYA: Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Oo Xilkii Laga Qaaday.
Muqdisho,26Oct,2015(QJ/SDN)-Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw si rasmi ah u shaacisay in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Sheekh Cali Hareeri oo Goordhaw Warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Armaha Gudaha ayaa ku dhawaaqay in xilka laga qaaday Muungaab lana magacaabay Gudoomiye Cusub.
Prof Yaxye ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdiho loo magacaabay Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed kana mid ahaa Hogaanka sare ee Xisbiga talada dalka haya ee PDP.
Wareegtada xilka looga qadaya Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xil kaqaadista Muungaab ayaana loo sababeenayaa waxqaad la’aan iyo ku takri fal awoodeed.
Ugudanbeyntii, Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya xil ka qaadista Masuulkan.