SOOMAALIYA: Duqeymo Xalay Laga Geystay Magaalada Marka.
Marka,18Oct,2015(QJ/SDN)-Xoogaga Amisom ee degan Magaalada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay xalay duqeymo culus ka gaystay qaybo ka mid ah Magaalada Marka.
Duqeymahan oo laga maqlay gees ka gees Magaalada, ayaa waxay xoogoodu ku dhacayan xaafadda Buulo Jaan, illaa iyo hadana si rasmi ah looma garanayo waxa keenay duqeymahaasi.
Waxaase soo baxaya warar sheegaya in hoobiye lagu soo tuuray xerada Ciidanka Amisom, ay ku lee yihiin Magaalada Marka, taasina ay dhalisay inay kaga jawaaban duqeymaha iminka soconaya.
Duqeymahan, ayaa qalqal xoogan ku keenay shacabka ku dhaqan Magaalada, waxayna hakad ku keeneen dhaq dhaqaaqii guud ee ka jiray Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.
Mid ka mid ah dadka degan xaafadda Ruusiyo oo diiday in magaciisa la soo xigto, ayaa wuxuu sheegay duqeymuhu inay gil gilayan gebi ahaanba Magaalada Marka.
Ugudanbeyntii, Faah faahin lagama hayo khasaaraha ay gaysanayan duqeymahan, waxaana aad u kacsan xaaladda Magaalada, tan iyo markii ay duqeymuhu bilowdeen.