|

“Soomaaliya Ayaa Sannadkii Labaad Kaalinta Koowaad Kaga Jirta Dilalka iyo Tacaddiga Weriyeyaasha Dunida..” Difaacda Saxaafadda Dunida ee loo yaqaanno magacooda CPJ

Muqdisho 29.October 2016 (SDN/QJ):-Sannadkii labaad, ayaa dalka Soomaaliya waxa uu Kaalinta koowaad u galay dalalka dilalka lagula kaco Weriyeyaasha Saxaafadda Madaxa-bannaan ka hawlgala ee waddamada dunida oo dhan.

hqdefault-5Sidaa waxaa lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaacda Saxaafadda Dunida ee loo yaqaanno magacooda  CPJ. Warbixintan uu soo saaray Ururkaasi Khamiistii, ayaa CPJ ku xusay in dalalka leynta Suxufiyiinta Soomaaliya ku xiga ay yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

“Iskala xisaabtan la’aanta dilalka Weriyeyaashu waxay keeneysaa in Warbaahintu ku shaqeyso cabsi, arrintaasoo iyana xaddidaysa xogta rasmiga ah ee dadku heli karo. Soomaaliya ayaa sannadkii labaad Kaalinta koowaad kaga jirta dilalka iyo Tacaddiga Weriyeyaasha Dunida..” Sidaa waxa tidhi Elisabeth Witchel oo CPJ ka tirsan.

“Dawladduhu waa in si deg-deg ah ay wax uga qabtaan xaaladdan iyagoo adeegsanaya habab adag oo lagu badbaadinayo Weriyeyaasha, wax lagu soo baadhayo, laguna soo taagayo Maxkamad dadka u hanjaba ama weerara Weriyeyaasha.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta CPJ.

Dalalka kale ee caanka ku ah ku Tacaddiyida Xaquuqda Weriyeyaasha, waxaa ka mid ah sida Ururrada Saxaafadda Caalamka iyo kuwa Xuquuqda Aadamaha u doodaa shegaan, isla markaana sannadkan kaalmaha hore kaga jira Liiska dilalka iyo Tacaddiyada Suxufiyiinta Madaxa-bannaan sida uu CPJ sheegay, siday u kala horreeyaan waxay kala yihiin sidan:- 1-  Soomaaliya, 2- Ciqaar, 3- Suuriya, 4 Filibbiin, 5, Suudaanta Koonfureed, 6- Mexico, 7- Afghanistan, 8 Pakistan, 9 Brazil, 10 Ruushka, 11 Bangaalaleesh, 12 Naageeriya iyo 13 Hindiya.

Waxaanay Soomaaliya Sannadkan dhammaanaya ee 2016-ka iyo sannadkii hore ee 2015-kaba noqotay dalka koowaad ee Suxufiyiintii ugu badnayd lagu dilay, kuwo kalena tacaddiyo jidh-dil, hanjabaad, xadhig iyo cabbudhin ah lagula kaco. Liiska dalalka dunida ee Weriyeyaasha lagu dhibaatooyo oo sannadkii hore ahaa 14 waddan, ayaa sannadkan ah 13 dal, waxaana tiradii sannadkii hore hoos uga dhacay hal dal.

Shaxda Heer-qiyaaseedka Kiisaska ka dhacay dalalkaas kala duwan ee Weriyeyaasha iyo siday kala yihiin ee lagu daabacay Shabakadda Internet-ka ee CPJ.org, waxay u dhigan tahay sidan hoos ka muuqata:-

Rank Nation Unsolved
Cases
Population
(in millions)*
Rating Change
from 2015
1 Somalia 24 10.8 2.225 Down 22%
2 Iraq 71 36.4 1.949 Down 19%
3 Syria 17 18.5 0.919 Up 85%
4 Philippines 41 100.7 0.407 Down 8%
5 South Sudan 5 12.3 0.405 Down 4%
6 Mexico 21 127.0 0.165 Up 9%
7 Afghanistan 5 32.5 0.154 Down 3%
8 Pakistan 21 188.9 0.111 Down 7%
9 Brazil 15 207.8 0.072 Up 36%
10 Russia 9 144.1 0.062 Down 18%
11 Bangladesh 7 161.0 0.043 Down 1%
12 Nigeria 5 182.2 0.027 Down 2%
13 India 13 1311.1 0.010 Up 24%

Comments are closed