|

Soomaaliya: AMISOM oo Cadaado ku Toogtay Ninka ka mida Ergada Dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose

Cadaado 16, Noofamber, 2016-(SDN/QJ):-Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka ah  Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa maanta  toogtay nin ka mid ahaa Ergada wax dooraneysay eek u sugnaa Shirka ka socda magaladaas.

Toogashadan ayaa dhacday xilli ay doorasho ka socotay  gudaha Madaxtooyada Galmudug, waxaana markii rasaasta la maqlay lagu kala dareeray goobta.

Wariye ku sugan Cadaado ayaa Idaacada Koor u sheegaya  in ninka ay toogteen Ciidamada uu ahaa qof ka mid ahaa Ergada.

Ciidamada ayaa la sheegay in ninkan ay ku toogteen banaanka xarunta Madaxtooyada, kaddib markii uu isku dayay inuu hor-istaago ergada beeshiisa ee sii galeysay xarunta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu ka mid ahaa ergo hore loo qoray balse la bedelay, waxaana uu gacan ula tagay ka hor inta aan la toogan ergadii sii galeysay xarunta.

Xaalada goobta ay doorashada ka socotay ayaa jahwareer gashay, kaddib markii rasaasta la maqlay.

Ciidamada AMISOM oo ka kala socda Burundi iyo Jabuuti ayaa dhowaan loa geeyay Cadaado si ay u  sugaan ammaanka doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee dalkaasi Soomaaliya.

Comments are closed