Soomaaliya: Al-shabaab Oo Lagu Eedeeyay Inay Ganacsatada Ku Soo Rogtay Lacago Khasab Ah, Xilli Aan Dawladduba Cashuur Ka Qaadin
Muqdisho 16. July 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay helayaan Telefoonno ay u soo dirayaan Dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago ay ku sheegeen baad, laakiin Al-shabaab ku macnaysay inay tahay Zako.
Mid ka mid ah ganacsatada oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, isla-markaana codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in ganacsatada loogu yeedhay deegaannada Aw-dheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose, halkaasi oo loogu hanjabay inay bixiyaan lacagaha.
Waxa uu sheegay in ololahan ay Al-Shabaab bilowday bil ka hor, haatanna ay jiraan lacago badan oo ay ku ururiyeen dadka leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar intaba.
Ganacsade kale oo ay VOA la hadashay ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay ka ururiyeen ganacatsada ay ugu yar tahay 100 dollar ayna gaadhsiinsan tahay kumaannaan.
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Jeneraal Axmed Xasan Maalin oo arrintan wax lag waydiiyey ayaa yidhi “Ganacsatada Soomaaliyeed waxaanu leenahay yaanay idiin hanjabin Budhcad duurka joogta, lana shaqeeya Ciidammada Amniga, markaad aragtaana noo sheega Annagaa qabanayna’e.”
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Haddaad Lacag bixinaysaan Cashuurta Dawladda bixiya ee Iskuullada lagu dhisayo.” Ayuu yidhi.
Dawladda Soomaaliya, ayaan illaa hadda wax cashuur ah ka qaadin Ganacsatada, inkasta oo Raysal-wasaare Khayre uu sheegay inay dhawaan bilaabayaan Cashuur ururinta.