|

Somaliland oo Soomaaliya ku eedeysay carqaladeynta xoollaha ka dhoofa Berbera

Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya inay faro-gelin ku hayso Dhoofinta Xoolaha Dekedda Berbera, iyadoo ku andacootay inay Soomaaliya doonayso inay dakhliga cashuuraha Xoolaha u wareejiso Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed oo la hadlay Ganacsatada Xoolaha, ayaa ku eedeeyay dawladda Somaliya inay faragelin ku hayso dhoofka Xoolaha Berbera.

beryahan dambe dawladda Soomaaliya waxa ay carqaladaysay xoolihii aynu dhoofinaynay, Xasan Sheekh (Madaxweynaha Soomaaliya) waxa uu yidhi waxaan u fasaxayaa Ganacsade Carbeed inuu maareeyo Xoolaha Berbera ka dhoofaya, Somaliland-na waa Somaliland, Xasan Sheekh meeshan wax amar ah kuma laha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb. .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay Ganacsato Carbeed in Canshuurta Xoolaha loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho. Taas oo ka jawaabeysa, Somaliland waxay hakisay dhoofka xoolaha muddo afar maalmood ah si ay u muujiso in awaamiirta Madaxweyne Xasan Sheekh aan laga dhaqan gelin karin Berbera.

Wasiirku waxa uu ku nuux-nuux saday dadaalka ay Somaliland ugu jirto casriyaynta nidaamka dhoofka xoolaha, isaga oo intaa ku daray in xarumaha karantiilka ee Berbera loo samayn doono qalab lagu fududaynayo rarista iyo rarista xoolaha.

Sannad kasta waxa Dekedda Berbera laga dhoofiyaa malaayiin xoolo ah oo isugu jira Geel, Ido, Ari iyo Lo’.

Leave a Reply