Soomaaliland oo qarameysay ciidamo medeni ah
Ceerigaabo (QJ) – Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu biirey kooxdii ugu horeysay ee ciidamada SSB (Sanaag, Sool iyo Togdheer) ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag, si ay u noqdaan kuwa nabad-gelyo oo rasmi ah.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminaya wefti uu hoggaaminayo oo magaalada Ceerigaabo u tagay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag, isla markaana ay ugu kuur-galayaan isku-dhafka ciidamada Malleeshiyada, ayaa ku guulaystay in la isku daro dufcaddii ugu horreysay ee ciidamadan.
“Maanta, anagoo isku dhafnay kooxdii ugu horeysay ee maleeshiyo beeleedka deegaanka ah, waxaanu u qaadnay tallaabo wax ku ool ah oo dhinaca nabadda ah, Ceerigaabo hadda waa meel aanay cidina sheegan karin lahaanshaha gaarka ah, cid kasta ayaa iska leh, dhammaanteenna halkan ayaanu ku wada nool nahay.”
Waxa uu intaasi ku daray in si deg deg ah loo midayn doono Maleeshiyada hadhaysay, waxaanu Odayaasha Gobolka Sanaag kula dar daarmay inay gacan ka geystaan sidii loo midayn lahaa.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa kale oo uu ku dheeraaday muhiimadda ay gobolka Sanaag iyo Ceerigaabo u leeyihiin Somaliland, isaga oo bulshada iyo cuqaasha ugu baaqay inay u guntadaan sidii nabadda loo soo celin lahaa.
“Waxa aanu diyaar u nahay in aanu ka dhabeyno wax kasta oo uu balan qaaday marka ay nabadi soo noqoto,madaxweynuhu waxa uu tagi doona Ceerigaabo si uu u kormeero fulinta balanqaadyadaas iyo dedaalada horumarineed ee la sii wado”.
Maleeshiyadan oo ku qalabaysan gaadiid dagaal iyo hub, ayaa waxa samaystay qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool, ka dib xiisado iyo dagaalo ay ku lug leeyihiin ciidamada SSC-Khaatumo.