|

Soomaalidu ka adhiga loogu taagwaayey Geela u

shalay wuxuu hayey xil sare,umaduna waxay is lahayd wax badan ayuu idiin tarayaa,aqoonta aad bideena waa uu idiinku shaqayn doonaa,waxa ay ku hamiyayeen inuu gaadhsiin doono horumar,bashbash iyo badhaadhe,laakiinse arintu xagiisa sidaa way ka duwanayd,wuxuu ahaa xoogsade keligii shaqaysta,qabyaaladiiste aan xitaa reerkiisa waxba ugu tarin,ee dantiisa oo keliya qoysnimada ku ilaashada,qaranimana ku cantuuga kelidaa dheefta dhididka masaakiinta dulman ka soo go’da,weli wax lagu farxo marna ma uu soo bandhigin,mana qaban hawl haakah lagu yidhaahdo,isagana raad iyo magac inuun u noqota oo xitaa maruun la yidhaahdo waa kii waxaa soo qabtay,isagoo saasa ayuu hadana ceeb iyo fadeexad uu u soo banbaxaa.

Dib looma raaco taariikhdiisa,cidina ma soo fadho wuxuu xumeeyey,hadii dadka ay inuun ku baraarugsanaan lahayeena wuxuu haystaa dalad aan u saamaxayn in la xisaabiyo,oo garbaha reernimo ayuu si fiican ugu duuli yaqaanaa,waa erayadiisa ma ogtihiin aniga layma jeedee idinkaa laydin yasayaa,xaqiinaan cidina ogolayn i.w.m,waa yaab waana yaabka yaabkii,xaqdarada wuu yaqaanaa sida loo difaaco marka uu ka tirsan yahay kooxdaa,sida wanaagsan ciyaarta u wada haysata,taladuna ay gacantooda ku jirto,markase dhinac looga tuuro la jaanqaadka wasiirnimo,iyo inta la mac ah;waxa uu bilaabaa cay iyo mucaaradad colaadeed oo aan ab lahayn,wuxuu shalay lahaa oo dhan iyo amaan guulwadeedkii oo dhanba wuu ilaawaa,taasna waxaa u sababa dheeftii laga jaray ayaa weli u sii dhadhamaysa.

bal inta aad taqaan ee dayrka la waydaariyey eeg,kadib markii ay xaslan waayeen xilkoodii,waxa onkod ka baxaya, waxa la yidhi dhadhanshaa waalan dhergaana ka daran,waa xaqiiq waana inta maanta bulshada dhexdeeda laysugu haysto,ba hada eeg ereyada ka soo burqanaya afafkooda een laga xishoonayn odhaahdooda,isna burinaya,waa shalay iyo maanta,lase yaabi maayo oo soomaalidu kay adhiga kala quusatay geela u dirataa;waxaan uga jeedaa midaan xil inoo soo qaban ma laha,mid keliya oo la qiimaynayana ma arag,aan ka ahayn inuu reer yahay,haa waan saxanahay,waa runtay,reernimo keliya,haa sidaa miyaadan iila qabin mise adna waad reeraysan tahay,oo xitaa sida raga qaar wax qabadkoodii fiicnaa dib ka dhaleeceeyaad la socotaa.

Bulshada waxaan gebogebadii aan kula talin lahaa dantiinu maaha danta siyaasigan maanta,shaadh waliba uu le’eg yahay, meel ku qotsta meelse aan ku qalajisan,ee tiinu waa midnimo,iyo hadba cidii waxtar idiin ah,waxna idiinka qabanaysa danta guud,kuwan mamayna waxaan odhan lahaa kolay naftiina u tudhan maysaane alle tiisa dadka ugu tudha intay ka imanayso xisaabta dadku.

wa bilaahi towfiiq

maxamed yaasiin maxamed

myaasiin143@hotmail.com

Comments are closed