‘’Soomaalidii Loo Dhiibay Kililka Shanaad Waxay Maanta Samaynayaan Wax aanay Yuhuudu Samayn,Adduunka Kamay dhicin Askar intay Magaalo Timaado Tidhaa waanu Dharagnee Dumarna na siiya’’ Gudoomiye Faysal DAAWO
Hargaysa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale ku celiyey Xadgudubyada ay Somaliland ay ka Tirsanayso Madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Waxaanu Sidoo kale Weeraray Gudoomiyeyaasha Xisbiyadda Kulmiye Iyo Waddani.
Eng. Faysal Cali Waraabe Wuxuu markale sheegay in ay la xisaabtami doonaan dawladda Itoobiya; “Dawladda Itoobiya waan la xisaabtameynaa todoba boqol oo kun oo milyan ayay innaga qaadataa oo innaga heshaa walaalayaal, caafimaad baanu u tagnaa walaalayaal, khudraddaan ka keensanaa, waxay keenaan qaadka, waxkasta way keenaan innaguna irbad ma geyno waxa Tog-wajaale joogaa kontarabaan bay ku geli jireen kontarabaankiina waa laga jaray dhaqaale ahaan baa lay noola dagaallamayaa innaguna qaad baynu ku jeednaa iyo Habar-habar waa lay noo tashaday rag baa shaarubaaha innoo xiiraya oo doonaya inay ciidda afka innoo geliyaan’’ ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal.