|

‘’Soomaalida Waa In La Musaafuriyaa Haddaanay Lahayn Sharci, Ka Jabuuti Ka Yimaada Waa In La Musaafuriyaa Haddaanu Sharci lahayn, Ka Itoobiya..’’ Faysal Cali Waraabe

faysal cali waraabe

Washington,21Jan,2016(QJ/SDN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay musaafirinta dowladda Somaliland ay ka mustaafurinayso dalkeeda dadka aan sharciga ku joogin gaar ahaan Oromada,.

Faysal Cali Waraabe oo wareysi siinaayay barnaamijka Qubanaha Ee VOA-da waxa uu Sheegay in xittaa Soomaalida kale ee aan sharciga haysan laga mustaafuriyo Somaliland ‘’Waddanku sharci buu leeyahay Soomaalida waa in la musaafuriyaa haddaanay sharci lahayn, ka jabuuti ka yimaada waa in la musaafuriyaa haddaanu sharci lahayn, ka itoobiya waa in la musaafuriyaa, Qaran baanu nahay waa in aanu qarannimada ilaalinnaa, wixii qaran sameyn lahaa dee hanagu ceebsanina,..’’ ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Halkan Hoose Ka Daawo Wareysiga VOA la Yeelatay Faysal Cali Waraabe;

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed