|

Soomaalida South Africa oo Dibedbax ku dalbaday Amaan

Cape Town June 08,2013(SDN)-Soomaalida ku nool magaalada Cape Town ayaa dibed bax ku hor tagay Barlamaanka dalkaasi ka dib weeraro bareer ah oo lala beegsaday.

Soomaaliada oo sitay muqaalo dad dhawaan si fool xun dalkaasi loogu dilay ayaa ku dhawaaqayay dalabyo ay ciidamada ugu jeedinayaan in lagu sugo amaankooda.

“Waxaanu nahay dad Arfican ah waxaanu dooneyneynaa in naloola dhaqmo sida dad ehel ah”ayaa ka mid ahaa waxyaabihii Soomaalidu ay ku qeylyeysay.

Soomaalida maanta banaabaxa ku qabatay Cape Town oo lagu qiyaasay in ka badan 300 oo ruux ayaa waxa weheliyay dad u dhashay Koonfur Africa.

Dhaqaale xumo ku habsatay reer Koonfur Africa ayaa loo aaneynayaa dilalka soo noqnoqda ee lagula kaco dadka soo gelootiga ah.

Sanadii 2008dii ayaa lagu dilay Konfur Africa dad ka badan 60 ruux isla markaana lagu baro kiciyay dad kale oo faro badan.

Sanadkii horena waxa dalkaasi lagu dilay ilaa 160 ruux oo soo gelooti ahaa halka ilaa250 ruux oo kalena lagu dhaawacay.

Sanadkana waxaad moodaa in ay markale soo if baxeyso neceybka loo qabo soo gelootiga iyada oo la arko todobaad walba weeraro lagu qaadayo soo gelootiga.

SDN-Cape Town

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed