|

Soomaalida Reer UK Oo Kaalinta Labaad Ka Gashay Qoomiyadaha Uga Dhasha Badan Ee Halkaas Ku Nool

London:Aug,20,2015(SDN/QJ)-Daraasad lagu sameeyey dadka Soo Galootiga ah eek u nool dalka Uk, ayaa lagu ogaaday inay sii kordhayaan Dadka carruurta badan dhalaya iyadoo kuwa aan waddanka u dhalin ee soo galootiga ahna la ogaaday inay yihiin kuwa ugu dhasha badan.

pregCelcelis la sameeyay ayaa haweenka ka soo jeeda dalka Afghanistan ee ku nool dalka UK waxa ay noqdeen kuwa ugu carruurta badan leh iyadoo qoyskiiba ay ku soo beegmeyso 4.25 cunug halka celceliskaasna haweenka ka soo jeeda dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo haysta 4.19 cunug.

Sida lagu sheegay xog ururin ay sameysay haya’ada tirakoobka ee Eurostat celceliska haweenka ka soo jeeda dalka Pakistan ee ku nool UK ayaa ah 3.82 halka haweeneyda Britishka dhaladka ah ay ka tahay 1.79 cunug.

Tirakoobkan ayaa lagu sheegay in haweenka ka soo jeeda wadamada Bariga Yurub ay haystaan 2.19 ilmo halka haweenka ka soo jeeda wadamada reer Galbeedkana ay ka haystaan 1.52 cunug.

Sanadkii 2013kii ayaa boqolkiiba 9.5 carruurta ku dhalatay UK ay ahaayeen kuwo leh saddex ama inkabadan oo walaalo ah. Waxana ay noqotay tii ugu sareysay tan iyo sanadkii 1970kii halka sanadkii 2009kii ay tiradaas ka ahayd boqolkiiba 5.3. Dalka Britain ayaa ah hadda wadanka ay ku nool yihiin qoysas leh carruur badan guud ahaan wadamada qaarada Yurub.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed