Soomaalida Nairobi oo cabsi soo wejahday weerarkii Shabaabka ku qaadeen Suuqa Westgate Mall ka dib
Nairobi Sept 23,2013(SDN)-Soomaalida ku noo xaafadaha magaalada Nairobi ayaa baqdin weyni soo wejahday ka dib weerar ilaa iyo haatan socda oo ay Shabaabku ku qaadeen xarun ganacsi oo halkaa ku taal.
Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka Shabaabku qaadeen ayaa waxa uu sababay caro weyn oo dhici kareysa in Soomaalida dalkaasi ku nool lagula kaco.
Soomaalida xaafada Islee ku nool ayaa si gaara waxa u soo wejahay baqdin la xidhiidha amnigooda.
Xaafada Soomaalida ee Nairobi ayaa hore waxa loo weeraray ka dib hawlgalo ay Shabaabku dalkaasi ka fuliyeen.
Sidoo kalena ciidamada Booliska Nairobi ayaa sidoodaba caan ku ah ugaarsiga Soomaalida ku nool halkaasi.
si kastaba ha ahaatee waxa aad u hooseeyay isu socodka iyo ganacsiga Islee intii ka danbeeysay werarka.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com