|

Soomaalida Miineapolis oo bilaabay in ay Jawaabo ku haboon ka bixiyaan Xawaaladihii la xanibay

Minneapolis Jan 14,2012(qurbejoog.com)-Soomalida ku nool Minneapolis ayaa joojiyay macaamiishii ay la lahaayeen mid ka mid ah Baananka dalka Mareykanka ee diiday in uu lacago ka qabto Xawaaladaha Soomaalida

Soomaalida Minneapolis ayaa shalay mar kale banaanbax ka hor sameeyay Wells Fargo oo ka mid ah Bananka magaaladaas kuyaal.

100 Ka mid ah dadkii halkaa isugu soo baxay ayaa ka dibna gudaha u galay baanka si ay ugu wargeliyaan in ay cawda u jareen maacaamiishii ay Bankaas la lahaayeen.

Wells Fargo ayaa kal hore xanibaada saaray Xawaaldaha balse Soomaalida ayaa qaba in Baanku iminka door weyn ka ciyaari karo sidii labada dhan la isugu soo dhaweyn lahaa.

Afhayeen u hadashay Wells Fargo ayaa saxaafada u sheegtay in aaney jecleyn in ay macaamiishooda waayaan,imkinka wixii ka danbeeyayna ay wadahadal la bilaabayaan bulshada Somalida.

Bishii hore ayay aheyd kolkii gebi Bananka Mareykanku markey gebi ahaan joojiyeen in ay lacagaha ka qabtaan xawaaladaha Soomaalida.

Qurbejoog-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed