|

Soomaalida Mareykanka oo Xawaaladaha ka walaacsan

Minneapolis Dec 03,2011(qurbejoog.com)-Somalida ku noolmagaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa ka walaacsan sidii ay eheladooda u gaarsiin lahaayeen lacagaha ay bishaan.

Walaacan ayaa yimi ka dib kolkii Bangigii u danbeeyay ee magaaladaas ku yaal uu shaaca ka qaaday in aanu lacag danbe ka qaban doonoin Xawaaladaha wixii ka danbeeyay badhtamaha Bishan.

Wakiilada Xawaaladaha Minneapolis ayaa maalmihii u danbeeyay waday sidii ay ugu qancin lahaayeen Franklin Bank in ay dib u dhigaan xanibaada.

Bananka Mareykanka ayaa ka walaacsan in caqabado sharci ay soo wejahan hadii dadka Soomaalidu kooxaha argegixisada lacago u diraan sida horeba u dhacday.

 

Qurbejoog-Mineapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed