“Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn!! DAAWO
Minnesota 05. December 2016 (SDN/QJ):-Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn ka dib doorashadii madaxweynaha Cusub ee dalkaas Donald Trump iyadoona ay markiiba la kulmeen hadalo cunsurinimo ah oo loogu sheegaayo inay ku noqdaan dalkooda.
Ka dib Doorashadii lama filaanka ahayd ee Donald Trump uu ku guuleystay xilka madaxweynanimada dalkaas Mareykanka ayaa qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas Mareykanka waxaa la soo dersay wel wel iyo cabsi baaxad weyn ayagoona ka wel welsan waxa ka imaan doona madaxweynahaas Cusub ee dalkaas Mareykanka, Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa qaar badan waxay wel wel ka muujiyeen doorashada ninkaas iyadoona ay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolkaas ay durbadiiba dareemeen isbadal la xiriiro doorashada ninkaas ka dib markii ay kala kulmeen hadalo aan horey loo oran jirin dadka Mareykanka ah ee ay la nool yihiin.
Ugu dambeyntiina iyadoo doorashada Donald Trump ay noqotey mid ka yaabisay aduunka oo dhan maadaama si aad iyo aad ah la saadaalinaayey inay xilkaas ku guuleysan doonto haweeneyda Hillary Clinton ayaa madaxweynaha cusub ee dalkaas Mareykanka waxaa uu yahay maalqabeen aan wax qibrad ah aan siyaasada u lahayn iyadoo sidoo kalena lagu sheego inuu yahay nin Cunsuri ah, Wel welka iyo cabsida Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa waxaa uu imaanaayaa iyadoo dhawaantaan uu Donald Trump booqday gobolkaas islamarkaana uu si xun u aflagaadeeyey Soomaalida ku nool gobolkaas oo uu ku sheegay kuwo dhibaato weyn ku haayo gobolkaas islamarkaana xiriir la leh argagaxisada.