|

Soomaalida Iyo Ajaanibka Ku dhaqan Konfur Africa oo Cabsidii ugu Xumayd la soo deristay Iyo Qaabkii Wax loogu qaban lahaa oo Wadadiisii aan la hayn DAAWO

K/Africa 17.April 2015 (SDN/QJ)-Cabsi wayn ayaa soo waajahday dadka ajanabigia ah ee ku nool dalka koonfur afrika gaar ahaan kuwa soo jeeda qaarada Afrika.

south-africa-740x437Rabshado ayaa ka socda dalka Koonfur afrika kaasi oo lagag soo horjeedo dadka ajananiga ah ee ku nool dalkaasi.,rabshadahan ayaa waxa wadda dadka u dhashay qoomiyada KwaZulu-Natal ee koonfur Afrika kuwaasi oo beegsanaya guryaha iyo ganacsiyada muwaadiniinta ka soo jeeda dalal Afrika u badan oo ay ka mid yihiin Somaliya,Itoobiya iyo Malaawi.

Waxa albaabada loo laabay dhammaan goobaha ganacsiga ee dadka ajaanibka ah ku leeyihiin magaalooyinka waawayn ee koonfur Afrika,boolis aad u hubaysan ayaa jidadka magaalada Durban lagu daadiyay kuwaasi oo waxba ka qaban waayay weerarada ay waddaan dhalinyarada cadhaysan ee diidan Ajaanibka dalka ku nool.

Dad ka badan kun qof ayaa iskaga qaxay guriyihii ay degganaayeen magaalada Durban,waxanay gabood ka dhigteen goobaha boolisku ilaalinayo ee Magaalooyinka waawayn ku yaalla.

Boqorka qoomiyada KwaZulu-Natal, King Goodwill Zwelithini ayaa lagu eedeeyay inuu soo abaabulay rabshadan cusub ee ka bilaabmay dalka Koonfur Afrika isagoo la sheegay inuu hore ugu baaqay inay dadka ajaanibka ahi dalka iskaga baxaa..

 

 

Xisbiga ANC ee talada dalka Koonfur Afrika ahay ayaa cambaareeyay rabshahdaha ugu dambeeyaya ee dhalinyarada koonfur Afrika lagu beegsanayo,iyadoo xisbiga ANC lagu eedeeyay inaanu hore uga hadal rabashada ay dhalinyarada koonfur afrika u gaysanayso dadka ajanabiga ah.

Dalka Malaawi ayaa dadka ka jooga koonfur afrika kala baxaya dalka Koonfur Afrika waxa aanay ka caawinaysaa siddii ay dalkooda u iman lahaayeen dadka lagu dhibaataynayo dalka koonfur Afrika.

Dalka koonfur Afrika waxa ku nool Somali badan oo ganacsiyo ku leh kuwaasi oo la kulma dhibaato joogta ah oo ay u gaysanayaan dadka u dhashay dalka Koonfur Afrika oo dhab iyo boob joogto ah ku haya.

 

Comments are closed