|

“Soomaalida Hindiya ku xidhan, Waa la Xukumayaa, ka dibna…” Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Muqdisho 27. July 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Wasiirka Cadaaladda iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ay 1-da Bisha August 2017 u ambabixi doonaan dalka India, si ay dawladda waddankaas ka talisa ugala hadlaan sii-deynta 118 Maxbuus oo Dhalinyaro Soomaaliyeed ah, isla markaana ku xidhan Xabsiyada dalkaas.

Waxa uu Raysal-wasaare Ku-xigeen Mahdi-Khadar oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Heshiis la gashay dhiggeeda Hindiya, kaas uu tilmaamay inuu dhawaan Soomaaliya u saxeexi doono Wasiirka Cadaaladda, isla markaana uu ka shaqaynayo dhammaystirkiisa Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad.

Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlaya arrintaas Maxaabiista, waxa uu yidhi; “Maxaabiista Soomaalida ah ee Hindiya ku xidhan, waxaan u qabannay Sharci-yaqaan Hindi ah, oo kiisaskooda ka shaqeyn doona, waxaana dhawaan dhacaya xukunka.”

“Waxaana heshiiska aan ku darnay in Maxaabiistaasi gaadheysa 118-ka lasoo wareejiyo, Annaguna aan xaq u leenahay in aan dalkeenna keenno, marka kiisaskooda la eegana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu cafis u fidin karo.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

 

26-ka bishii September ee sannadkii 2016, ayey Safaaradda Soomaaliya ee dalka India beenisay Wararka sheegaya in dil lagu xukumay qaar ka tirsan Dhalinyarada Soomaaliyeed eek u xidhan Xabsiyada Hindiya, kuwaas oo loo haysto falal Budhcad-badeednimo, waxaanay ku xidhan yihiin Dhalinyartaasi Xabsi ku yaalla magaalada Mumbai ee waddanka India.

 

Safiirka dalka Hindiya u jooga Soomaaliya Ebyan Ladane Saalax, ayaa dhinaceeda sheegtay in Safaaraddu ay Qoraal ka heshay Garyaqaanka u doodaya Maxaabiista Soomaalida ah eek u xidhan Hindiya ee ku eedaysan ama loo haysto Budhcad-badeednimada, waxaanay sheegtay inay weli Dacwaddoodu socoto oo aanu jirin go’aan kama-dambays ah oo ay Maxkamadda Kiiskooda gacanta ku haysaa ka gaadhay illaa hadda.

Comments are closed