|

Soomaalida Dugsi Minneapolis ku yaal dhigata oo cabsiyi soo wajahday

Minneapolis Feb 21,2013(SDN)-Arday Soomaaliyeed oo wax ka digata dugsi ku yaal magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa cabsiyi la soo deristay ka dib kolkii ay dagaalameen ardey kale oo iyana dugsigaa dhigta.

Ardeyda Soomaalida ee dhigata Dugsiga Sare ee South High ayaa sheegay in ay dhibaatada heysata aaney cidi u ogeyn isla markaana aaney jirin cid dhegeysata dhibaatooyinkooda.

Dagaalka dhex maray ardeyda Soomaalida ah iyo kuwa kale ee dhigta dugsigaas ayaa mudaba la deernsanaa in uu dhici karo.

Waxaana jiray colaad isa soo tareysay in muda ah oo ardeydu dareensaneyd,balse aaney jirin cid wax ka qabatay.

Xiisada ayaa Soomaalidu ku tilmaantay in ay tahay mid salka ku heysa cunsiriyad ay kula kaceen ardeyda ay wax wada barata.

Maamulka dugsiga iyo Booliska ayaa dhacda baaraya,sidoo kale waxa laga qabtay xiisada ayaa la baarayaa.

“Cidi nama dhegeysato,cidi ma fahamto waxa aan ka hadleyno,waxaana xaqiiqo ah in goob aanu waxbarasho u tagno in aanu amaan ku dareemin”sidaa waxa tiri tiyoo ooyeysa Kowsar Maxamed oo 16 jir ah.

Ardeyda wax ka barata dugsiga sare ee South High ayaa tirakoobtooda lagu sheegay in ay tahay 8% 1,700 ee arday.

Xuseen Samatar oo ka mida Guddida Waxbarashada ee maamusha dugsiyada Minneapolis ayaan isagu qabin in xiisada u dhexeysa Soomaalida iyo ardeyda Madoow iyo kuwa dalka loogu yimi.

Xuseen Samatar ayaa qaba in hogaamiyeyaasha degaanku ku guul dareysteen in Soomaalida loo muujiyo soo dhaweyn.

“Waxanu fareynaa Maamulaha dugsiga in ardeyda oo dhan uu ula macaamilaa si haboon,waxa jira dhibaatooyin amaan iyo kuwo salka ku haya hogaan xumo”ayuu yiri Samatar.

Madaxa Dugsiyada Minneapolis Rick Mills ayaa shir Soomaalidu ay qabatay ka sheegay in ay ka arinsanayaa talaabo ay ka qaadaan xiisadan.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada Booliiska ee Minneapolis ayaa sheegay in la baarayo dhacdo todobaadkii hore ka dhacday dugsi oo ardayi ay ku dagaalantay.

Si kastaba ha ahaateen dhalinta Soomaalida ee Minneapolis ayaa waxa isugu darsamay dhibaatooyin faaro badan oo salka ku haya waxbarasho la’aan.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed