|

Soomaalida Bristol oo ka baaqatay kulan looga hadlayay sababha Police-ku u joojiyaan una baaraan dadka

Bristol Mar 28,2014(SDN)-Soomaalida ku nool magaalada Bristol ee dalka Britain ayaan ka xaadirin kulan Police-ka magaaladaasi qabteen oo looga hadlayay qodobo ay hore uga cawdeen.

Soomaalida ayaa dhawaan ka cawday fal ay Police-ka magaalada Bristol ku weydiiyeen rag Soomaali ah oo ku sugnaa maqaaxida Star iyaga oo baadi goobaya nin denbiile ahaa.

Police-ka Bristol ayaa raaligelin siiyay Soomaalida magaaladaasi ka dib kolkii ay soo baxday in ay xiisad ka dhalatay baaritaanadii Police-ku ku sameeyeen macaamiisha Star.

Hibaaq Jaamac oo laga soo doorto xaafada Lawrence Hill kanamida xisbiga Labour-ka ayaa hore saxaafada ugu sheegtay in xiisadi ka dhalatay baaritaanka Police-ku Soomaalida ku sameeyeen.

Hibaaq iyo Soomaalida Bristol ayaan ka soo xaadirin Kulanka looga hadlayay shuruucda iyo duurfaha sababa in Police-ku shacabka baaraan suaalona weydiiyaan.

Soomaalida iyo xubno ka mid ah gollaha degaanka xaafada Lawrence Hill ayaa isla maalinimadaa lahaa kulan kale oo isla arrimahan looga hadlayay.

Tom Gent oo ka bid ah Police-ka xaafada Lawrence kulanka ka qeybgalay ayaa ka warbixiyay muhiimada baaritaanadu u leeyihiin bulshada.

Mr Gent ayaa sheegay in falalka denbi ee xaafadu hoos u dhacay intii la hirgeliyay baaritaanada,waxaanu hosta ka xariiqay in loo bahan yahay in bulshado ka hadasho hadii awoodaha Police-ka si khaladan loo isticmaalo.

SDN-Bristol

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed