|

Soomaali Qoxooti ahaan ku tagtay Dal aan hore looga aqoon

Humenne Feb 25,2014(SDN)-Dal ka mida kuwa Yurubta Bari oo aan hore looga baran in ay qaabilaan Qaxootiga ayaa 11 ruux oo Soomaali ah oo ka tegay xeryaha Qaxootiga ee dalka Yemen u ogolaaday in dalkaasi ay iska dhiibaan.

Hay’ada caalemiga ah ee soogelootiga ee IOM ayaa bogeda Internetka ku shaacisay in Qaxooti Soomaali ahi oo isugu jira caruud iyo Haween ay gaareen dalka Slovenia.

Qaxootiga ayaa lixda bilood ee ina haya ku noolaan doona xarun lagu hayo dadka soogelootiga ah oo ku taal magaalada Bariga dalkaas dhacda ee Humenne.

Qaxootigan ayaa isaga Yimi dalka Yemen ka dib kolkii ay dalkaasi ka dilaaceen colaado sokeeye oo saameyn ku yeeshay nolosha Qaxootiga.

Soomalaidu in ay dalka Slovakia tagaan waxaa wadajir uga shaqeeyay hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,hayada IOM iyo dalka Slovakia.

Soomalaiad adalkooda ka yaacaya ayaa maalin walba waxaad maqleysaa dal cusub oo ay mengengelyo weydiisteen.

SDN-Humenne
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed