Soomaali Mareykanka Ku nool oo gawaadhi laga burburiyay
Fort Morgan Dec 21,2011(9news/qurbejoog.com)-Soomaali ku nool daar ku taal magaa;ada Fort Morgan ee dalka Mareykanka ayaa habeen dhaweytoole waxa laga bur buriyay gawaari daarta hoosteeda yiilay.
Gawaaridan oo yiilay daar Soomaali dhawaan magaalada u nolol doontay ayaa dareemaya in si gaaraiyaga loo bartilmaasanayo.
Ma cada ilaa iminka cida ka danbeysa weerarkan lagu qaaday gawaarida Soomaalidu leedahay ee yiilay daarta hoosteeda.
Khadar Ducaale oo ku nool daarta ayaa saxaafada u sheegay in ilaa sideed gaadhi oo yiilay daarta Soomaalidu ku nooshahay muraayadihii laga toogtay.
Khadar waxa uu sheegay in Soomaalida Fort Morgan ku nool khaasatan kuwa ku nool daartan ay cabsiyi soo wejahada”Soomaalidu iminka caruurta dibeda uma dirto,oo waxa ay ka baqanayaan in wax la yeelo”ayuu yidhi.
Soomaalida gawaadhidooda la bur buriyay ayaa la xidhiidhay Booliska magaalada waxaana loo balansan yahay kulan arrintan looga hadlayo.
Qurbejoog-Fort Morgan