|

Soomaali-Maraykan Ka Tirsanaa Ururka Al-shabaab Oo Dowladda Soomaaliya U Gacan Galay

Muqdisho,9Dec,2015(QJ/SDN)-Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in nin Soomaali ah oo ka mid ah dhallinyaradii ka baxday gobolka Minnesota sannadkii 2008 uu isku dhiibay dawladda Soomaaliya haatanna uu ku jiro gacanta dawladda.

Miski

Maraykanku waxa uu sheegay in ninkaasi lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ku magac dheer Miski. Waxay sheegtay inuu ninkaasi is dhiibay bishii hore.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo fariin Email u dirtay Wakaalada wararka ee AP ayaa lagu sheegay in Mujaahid Miski uu isu dhiibay Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya 6-dii bishii November

Afhayeenada Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Pooja Jhunjhunwala ayaa xaaqiijisay in wiilkan Soomaali-Mareykanka ahi uu ku jiro mid ka mid ah Xabsiyada ay gacanta ku heyso Sirdoonka Soomaaliya oo ku yaala Muqdisho.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan wiil Soomaali Mareykan ahaa oo muddo todobo sano ka hor ku biiray Al-Shabaab, kana yimid Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Miski uu ka tirsanaa Koox dhawaan ku biirtay Daacish, iyadoo Al-Shabaab ay weerartay koox dhawaan sheegay inay la galeen heshiis kooxda Daacish, waxaana maalmihii la soo dhaafay weeraro ka dhacay Jubada Dhexe iyo Jubada hoose lagu dilay Saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib taageero u ahaa Daacish.

Dhinaca kale nin Maraykan ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdimaalik Cabdisalaam Jones ayaa isna shalay isku dhiibay ciidamada dawladda ee ku sugan magaalada Baraawe.

Ninkaasi ayaa u sheegay mas’uuliyiinta dawladda inuu kasoo cararay iska horimaadka u dhexeeya kooxaha kala taageersan Daacish iyo Al-Qaacida ee Al-Shabab ka wada tirsan.

Halkan Hoose Ka Akhris Wareysi Idaacadda VOA la Yeelatay Maxamed Miski;

Maxamed Cabdulaahi Xasan oo loo yaqaan “Miski” waxa uu ka mid ahaa dhallinyaro ka baddan 20- Soomaalida ah oo ka tagtay Gobolka Minnesota sannadihii 2007 ilaa 2008-da.

Miski waxa uu VOA u sheegay inuu ka tagay Minnesota bishii Ogosto 2008 isagoo xilligaasi ay wax yar uga hadhsan tahay inuu ka qalin-jebiyo iskuulka Sare ee Roosevelt High School ee Magaalada Minneapolis.

Waxa uu Miski idaacadda VOA-da u sheegay in gurigiisa magaalada Jilib ay soo weerareen Maleeshiyada Al-Shabaab, xaaskiisa ay indhaha ka xidheen,kadibna ay argagaxsiiyeen carruurtiisa. Waxa uu tilmaamay inuu u baxsaday kaynta isaga iyo rag kale oo ajanib ah.

Miksi waxa uu caan ku ahaa isticmaalka baraha internet-ka gaar ahaan Twitter-ka oo uu farriimo jihaadi ah ku daabiici jiray.

Waxaan weydiiney inu ku biiray Ururka Daacish taasina ay keentay inay Al-Shabaab baacsato.

Waxa uu sheegay inaanu ku biirin Daacish, balse uu ku taageeray oo keliya farriimaha uu ku daabici jiray baraha bulshada.

Mar la weydiiyey goorta uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inaanu isa soo dhiibin,balse iyaga oo socda goob kayn ah ay arkeen dad xoolalay ah kadibna ay war-geliyeen Ciidamada dawladda oo kasoo qabtay meel u dhow magaalada Baraawe.

Waxa uu sheegay inuu haatan ku jiro xabsi ku yalala magaalada Muqdisho oo uu sugayo maxkamad.

Mar la weydiiyey inuu doonayo inuu ku soo laabto dalka Maraykanka waxa uu xusay oo yidhi “Ma doonayo inaan Maraykanka imaado, waxaan ahay nin Soomaali ah waxaana wixii laygu haysto laygu maxkamadeyn karaa Soomaaliya.

Isaga oo ka jawaabaya sababta uu marka hore ugu biiray Al-Shabaab, waxa uu sheegay in tegitaankiisa Soomaaliya sanadkii 2008-kii uu la xidhiidho soo faro-gelintii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu Al-Shabaab uga soo shaqeeyey dhinaca warbaahinta iyo dacwada,balse aanu shaqo u qabanin muddo laba sano ah.

Sidoo Kale, wuxuu sheegay inuu Al-Shabaab uga tagay,kadib markii uu arkay inay dadka iska xidh-xidhayaan oo ay iska dilayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo Miski wax laga weydiiyey farriimaha uu ku qoray baraha ijtimaaciga oo qaarkood ay ku baaqayeen weeraro laga gaysto gudaha Maraykanka, isaga oo farriin dhigay Twitter-kiisa.

Magaciisa ayaa warbaahinta Maraykanka ay si weyn u hadal hayeen bishii May ee sanandkan kadib markii laba nin oo dabley ah ay weerareen goob uu ka socday tartan lagu sawirayey Nebi Maxamed NNKHA, waxa jariiradda New York Times ay qortay in mid ka mid ah dadka weerarka qaaday uu xidhiidh la sameeyey Miski.

Hase-yeeshee waxa uu Miski beeniyey inuu xidhidh la lahaa dadka weerarkaas geystay, waxaana uu ku dooday in boggiisa Twitter-ka ay wada isticmaalayeen dad kale.

Sidoo kale, waxa magaciisa la la xidhiidhiyey dadkii ku lug lahaa weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California oo ay ku dhinteen 14 qof.Waxaanu beeniyay Miski inuu wax xidhiidh ah la yeeshay dadkaasi.

Waxa uu  diiday inuu sheego magacyada dadka kale ee la isticmaalayey bartaas Twitter-ka.

Waxaana Wareysigan qaaday Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacada VOA-da qeybteeda Afka Soomaaliga.

.

Comments are closed