|

Soomaali lagu qabtay walxaha qarxa oo maxkamad lagu soo taagay Nairobi

Nairobi Oct  30,2013(SDN)-Laba ruux oo Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay in lagu qabtay walxaha qarxa ayaa maxkamad la horgeeyay magaalada Nairobi.

Cabdiraxmaan Axmed Xeyle iyo Nucmaan Maxamed Xasan ayaa lagu soo eedeeyay in bishii March la qabtay iyaga oo walxo qarxa saaraya mid ka mid ah gawaarida Dadweynaha.

Ciidamada amaanka ee dalkaasi oo xiligaa ku sugnaa aaga Outering iyo wadada Juja ayaa labadan nin gacanta ku dhigay.

Maxkamada eedeysenayaasha ayaa dib loo dhigay ka dib kolkii aaney soo xaadirin cidii loo xilsaaray in ay u turjunto eedeysaneyaasha.

Xaakimkii dacwada dhegeysanayay ayaa deeto dib u dhigay dhegeysiga dacwada ilaa bisha soo socota 14keeda.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed