Soomaali iyo yamaniyiin Qaad loogu maxkamadeynayo Mareykanka
Washington April 28,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa magaalada Washington nawaaxigeeda ku maxkamadeyneysa dad isugu jira Soomaali iyo Yamaniyiin.
Dadkan ayaa lagu heystaa in ay dalka Mareykanka soo geliyeen malaayiin dollar oo Qaad ah.
Qaadka ayaa si sharci ah looga ganacsadaa dalalka Britain iyo Holland,Mareykankase waa ka mamnuuc.
Qaar ka mida xeeldheereyaasha dhanka Shuruucda Maandooriyeyaasha ayaa qaba in Mareykanku ku degdegayo maxkamadeynta dadka cuna qaadka.
Qaadka ayay dadkani ku andacoonayaan in uu yahay shay maararow loo cuno oo la mida ah dhawr koob oo Coffee ah.
Halka Soomaalida aqoonyahankeeda qaar ka mida ay qabaan in Qaadku leeyahay dhibaatooyin ka dhasha cunidiisa mudo dheer.
Si kastaba ha ahaatee Soomaalida Mareykanka ayaa il gaadha ku eegaya sida maxkamadu u xukunto dacwadan.
SDN-Washington