Soomaali isku baheysatay in ay cadaadis saaraan Baanka Barclays ee Xawaladaha Cawda u Jaray,Yaase ka danbeeya?
London Au 08,2013(SDN)-Soomaali la abaabulay oo ku nool magaalada London ayaa maanta lagu wadaa in ay hortagaan aqalka dalka Britain looga taliyo iyo xarunta Banka Barclays si ay caadadis ugu saaraan in aan Xawaaladaha cawda loo goyn.
Soomaalida oo uu ugu caansan yahay Orod yahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa lagu wadaa in ay ururiyaan Sexeexa ilaa 20,000 oo ruux si dood looga furo goaanka Barclays.
Banka Barclays ayaa maamo ka hor shaaciyay in uu gebi ahaanba xanibay edegyadii uu u qaban jiray xawaalada Soomaalida.
Inkasta oo Xawaalada Dahabshiil dhawr jeer saxaafada afka Soomaaliga ku hadasha ay ku baahiyeen in mudo kordhin loo sameeyay oo aan weli xisaabahoodii la xirirn.
Hadii xaalku sidaa yahay miyaanay u muuqan in cida haatan Saxeexa loo ururinyaa in aaney aheyn gebi Xawaaladiha Soomaalida ee ay tahay uun Dahabshiil.
Isweydiintu kolkaa waxa ay noqoneysaa maxaa isu soo baxan loola sugay ilaa intii la xirayay xisaabaadka Xawaalaadka kale.
Hadii arinkani shaqeeyo waxa Dahabshiil mar kale uu noqon doonaa Xawaalaa qura ee lacagaha ka qaban doonta Soomaalida.
Waaana markii labaad ee Dahabshiil ka faaiido xawaalado Soomaaliyeed oo la xanibo,waxa lawada xusuustaa in kolkii Barakat uu Bush godka ku riday in ganacsigii Xawaaladahu ku ururay Dahabshiil.
Waa arin xal u baahan in la helo sidii Soomaalida qurbaha joogta ay helkooda u helaan goob ay gacan qabadka u mariyaan.
Waxaana durba soo baxay shirkado la yimi afkaar casri ah oo damaanad qaadaya walaaca laga qabo dirida lacagaha ku socda Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa dhawaan iskaashi ay sameeyeen shirkadaha WorldRemit iyo Telesom ay ku sheegeen in Soomaalida Qurbaha ku nooli ay jirto hab casri ah oo sharcigana waafaqsan oo ay ehelkooda ku gaarsiin karaan Masaariifta.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com